Annaga Overview

Dahabshiil waa Shirkadda ugu weyn shirkadaha lacagta u dira Geeska Afrika ee ay adeegsadaan qurba jooga Africa. Dahabshiil wuxuu ku leeyahay Dalka Engiriiska in ka badan boqol iyo Soddon Wakiil (130) iyo ilaa Afar Boqol (400) goobo lacag bixineed oo ku baahsan Geeska Africa iyo aduunka dacaladiisa.

Illaa iyo intii la aasaasay Shirkadda Dahabshiil, 1970kii, Shirkadu waxay ka gaadhay horumar dhinaca farsamada lacag dirista, taas oo runahaantii dad badan u noqotay halbowlaha noloshooda. Tayada ay leedahay hawlfulinta Shirkadda Dahabshiil ayaa gaar ka dhigtay iney ugu horeyso Shirkadaha la beretemaya. Dahabshiil waxa loo aqoonsaday in ay tahay Shirkadda ugu hufan uguna horraysa suuqa ganacsiga lacag dirista. Macaamiisha oo dhami waxay qireen in ay Shirkadu tahay Mida keli ah ee la isku aamino, haleeyo, loona huro wixii kaaga baxa hawsha laguu qabtay.

Shirkadda Dahabshiil halbeegeeda fogi wuxuu yahay in ay ku raagto oo sii wado, kuna dedaasho in ay adkeyso tayada suuqa lacag dirista ay ugu adeegto qurba jooga geeska Africa. Halbeegeedu waa hirgelin joogto ah, u jajabnaan adeegis iyo in aan marna laga leexan hadafka shirkada si loo helo in ka badan inta ay filayaan macaamiisha Shirkadu.